Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Sida ay sheegayaan Warararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Wafdi uu hogaaminayo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi oo Shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Waxaa lagu wadaa inuu tago Magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose.
Sababaha uu u tagayo Magaalada kismaayo ayaa Waxaa lagu sheegay inuu u guur gali doono Xaalada ay ku nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka Soo laabtay Dalka Kenya ee Haatan ku sugan Xeryaha ku yaala Magaalada kismaayo.
Waxaana la sheegay in Wafdiga ka socda Q.M ay wax badan ka ogaan doonaan Dhibaato xiligan ku haysta barakayaasha ku nool Magaalada Kismaayo iyo Qaxootigii ka soo laabtay Kenya.
Filippo Grandi ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________