846 Views

TPLF oo soo bandhigi doonto ciidammo Soomaaliyeed oo ay ku qabteen Dagaalkii makelle

TPLF oo soo bandhigi doonto ciidammo Soomaaliyeed oo ay ku qabteen Dagaalkii makelle
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10 2021

Mala-awaal uu Rashid Abdi, oo Kenyati ah, ku soo qoray Twitterka ayaa sheegayay in TPLF soo bandhigi doonto ciidammo Soomaaliyeed oo ay qabteen? Sidee buu run warkaasi u noqon karaa haddii (1) TPLF iyo ciidanka Eritreeya uusan dagaallo badan dhex marin? (2) haddii TPLF aysan ilaa hadda sheegin inay Maxaabiis Eritreeyaan ah hayaan? Getachew Reda, afhayeenka TPLF ayaa sheegay in ciidammada ururku ay araxda ka jabiyeen ciidammada Itoobiya. Kaalinta Eritreeya qaadatay waxay ahayd in cadaadis TPLF laga saaro dhanka Badme. Habkii hore ee TPLF wuxuu ahaa mid tab dagaal ku qotomay. TPLF uma babacdhigi karin ciidammada laba dal.

Waxaa jira askar Soomaali ah oo Kililka Shanaad laga keenay. Waa suurtogal in qaar ka mid ah askartaas ay TPLF ku tilmaanto askar Soomaaliyeed oo Eritreeya lagu tababbarayay. Ma jirto sabab askar Soomaaliyeed uga dagaallami karaan dal kale. Dad badan ayaa is weydiinaya sababta dowladda federaalku uga aamusan tahay eedeymaha ku saabsan askarta Soomaaliyeed oo lagu tababbarayo Eritreeya. Guddi dowladdu u saartay ka gungaaridda eedeynta ayaa jira.

Mucaaradku way illowsan yihiin su’aal wax caddayn karta: Miyay dowladda federaalku oggolaan lahayd in ciidammo Soomaaliyeed ka qaybgalaan dagaal ka dhan ah TPLF? Waa su’aal ka duwan Miyay dowladda federaalku oggolaatay in ciidammo Soomaaliyeed ka qaybgalaan dagaal ka dhan ah TPLF? Su’aasha dambe waxay si dadban run uga dhigaysaa eedeynta in askar Soomaaliyeed ka qaybgaleen dagaalkii lagu qaaday TPLF.

Waa suurtogal in dowladdu ku ciyaarayso mucaaradka oo marba middi siyaasadeed saawir ah la soo shirtagaya. Miyay dadku rumeysanayaan haddii TPLF ay maxaabiis Soomaaliyeed oo kililka shanaad laga keenay ka dhigaan askar Soomaaliyeed oo ka dhinac dagaallamayay ciidammada Eritreeya? Hubsiino hal dhan baa la siistaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post