978 Views

Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo oo tababar loo soo xiray

Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo oo tababar loo soo xiray
____________________________________________________________________________

 

Arbaco: October 27, 2021

 Tababarkaan oo socday muddo kow iyo toban maalmood ah, isla markaana taaba galintiisa ay iska kaashanayeen Wasaaradaha arrimaha Gudaha Galmudug iyo Hay’adda UNDP ayaa maanta magaalada Gaalkacyo loogu soo xiray shaqaalaha Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo iyo xubno ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Waxbarashada dowlar Goboleedka Galmudug

Xiritaanka tababarka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo kuwa Degmada Gaalkacyo, howlwadeenno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah usoo xiray Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug Warsame Faarax Cabdi.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horeyn ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wax weyn ku soo kordhin karto hanaanka maamull iyo misaaniyadda shanta sano ee soo socato iyo dajinta qorshayaasha horumarineed ee Dagmada

Maxamed Cali Axmed oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Degmada iyo Xamdi Cabdiqaadir oo ka socatay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa xusay in ay waxbadan ka faa’iideen tababarka muddadii uu socday, ayna ku dadaali doonaan in ay ku shaqeeyaan aqoontii ay ka barteen

Guddoomiyaha Gobalka Mudug mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa isna uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha gacanta ka geystay tababarkaan, isagoo ku tilmaamay talaabo wax weyn ku soo kordhin doonto nidaamka maamul ee shaqada dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Warsame Faarax Cabdi ayaa kula dar daarmay xubihii ka faa’ideystay tababarka aqoon kordhinta in ay noqdaan kuwa ka soo baxa howlaha shaqo ee ku aadan tababarka ee ay qaateen

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post