642 Views

SurvivingSophia: Waa tuma gabadha Soomaalida ah ee lagu eedeeyay inay lacag ka dhacday dadka ugu caansan dunida?

SurvivingSophia: Waa tuma gabadha Soomaalida ah ee lagu eedeeyay inay lacag ka dhacday dadka ugu caansan dunida?
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

 
Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka waxaa qabsaday hadal heyn ku saabsan gabar lagu magacaabay Safiya Nuur, oo la sheegay in ay “si khiyaano ah” lacago kumannaan doolar ah uga qaadatay atooreyaal iyo dad kale oo saameyn ku leh Mareykanka.

Sida Twitter-ka laga hadalhayo, gabadhan oo la sheegay in ay heysato dhalasho Canada, balse asal ahaan tahay Soomaali, ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan lacagaha uga “dhacday” dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyanka.

Sida ay qoreen warbaahinta uu ka mid yahay wargeyska ka warrama dadka caanka ah ee Vulture, Safiya waxay dadka “lacagta ka qaadatay u sheegeysay waxyaabo ay ku beer laxowsatay” sida inay “hooyadeed dhimatay oo ay dooneyso lacag ay aas ugu sameyso”.

Waxyaabaha kale ee ay dadka u sheegeysay waxaa ka mid ah “inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay,” sida uu qoray website Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Meaww.

Waxa uu qoraaga bogga intaas ku daray in Safiya ay sheeganeysay in ay “uur u leedahay fannaan caan ah” balse ay la nooshahay qof kale oo Yutuber ah oo caan ah.

Qof walba oo ay la kulanto waxa uu moodayay in ay saaxiib la tahay saaxiib kale ee uu garanayo.

Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena aysan soo celinin ama kuma aysan laabanin dadkii ay ka qaadday.

Balse, dhankeeda lagama hayo war ay isku difaaceyso oo ku saabsan eedda, lamana caddeyn karo in ay tahay qof jira. Laakiin waxaa baraha bulshada qaarkood qabsaday sawirro iyo hal ku dhigyo ku saabsan Safiya.

Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago ay ka qaadday waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

Weli wax jawaab ah kama aysan soo bixin fannaanka iyo Youtuber-ka magacyadooda la xusay.

BBC-da ilaa hadda uma suurtagalin inay xaqiijiso eedeymaha loo jeediyay gabadhaas oo hadal heyntooda ay socotay maalmihii la soo dhaafay.

Sidey ku billaabatay hadal-heynta?

Twitter-ka oo aad loogu faafinayay sheekada ku saabsan gabadhan ayaa loo adeegsanayay hal ku dhigga ah #SurvivingSophia.

Waxay arrintan markii ugu horreysay soo shaac baxday maalintii Khamiista ee isbuucii la soo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii bishan November, 2021.

Islmarkii shaaca looga qaaday warka ku saabsan Safiya, waxaa soo baxay dad badan oo ka hadlayay arrinteeda, qaarkoodna ay sheegayeen in ay sidaas oo kale u “dhacday”.

Si rasmi ah looma garan karo isku darka tirada lacagta la sheegay in ay “dadka ka qaadatay” balse wararka qaar waxay sheegayaan in ay gaareyso kumannaan dollar halka qaar kalena ayba gaarsiiyeen illaa malaayiin doolar.

Marba marka ka dambeysa waxaa soo baxayay dad ku andacoonayay in uu “isla qofka laga hadlayo ku sameeyay qalin shubato”.

Barta Clubhouse ayay markii hore ka billowday barashada dadkii ay la kulantay, balse Twitter-ka ayay u waregetay hadal heynta baaxadda leh.

Xagey ku dambeysay “Safiya”?

Maalmo kooban kaddib markii ay soo baxday hadal heynta gabadhan loogu yeeray Safiya, waxaa laga waayay bogagga la sheegay in ay ku lahayd baraha bulshada.

Wargeyska Vulture ayaa soo bandhigay sawir muujinaya ciwaan Twitter-ka ah oo la sameeyay bishii July ee sannadkan 2021-ka.

Hase ahaatee isla ciwaankaas hadda lama heli karo. Ma cadda inay iyadu qarisay iyo in ay shirkadda Twitter-ka ka saartay meesha toona.

Ilaa hadda wax war ah kama uusan soo bixin gabadhan, BBC-dana uma suuragelin dadaallo ay ku doonaysay inay xiriir la sameyso iyadoo u mareysa cinwaannada la sheegay in ay lahayd. Sidoo kale ma jiro wax baaritaan ah oo la soo tabiyay in ay booliska billaabeen.

Waxaase xusid mudan in dhammaan dadka ka hadlayay Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay Safiya, iyagoo isweydiinaya in gabadhaas ay tahay mid fiican oo waxa laga sheegayo aysan run ahayn iyo inkale.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post