1605 Views

Joe Biden oo wajahaya su’aallo xisbiga Dimuqraadiga oo ku saabsan taakulaynta Mareykanka uu u diro Israa’iil

Joe Biden oo  wajahaya su’aallo xisbiga Dimuqraadiga oo ku saabsan taakulaynta Mareykanka uu u diro Israa’iil
____________________________________________________________________________

.

May 26 2021

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wajahaya su’aallo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga oo ku saabsan taakulaynta Mareykanka uu u diro Israa’iil.

Bernie Sanders oo ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in si “adag” loo baaro sida ay Israa’iil lacagahaas u isticmaasho.

Israa’iil lacag intii la eg ayey Maraykanka ka heshaa sidayna u isticmaasha?

Sanadkii 2020-kii, dowladda Maraykanka ayaa lacag gaaraysa 3.8 bilyan oo doollar ku deeqday Israa’iil, waxay taasi qayb ka ahayd taakulayn sanadle ah oo socotay tan iyo maamulkii Obama. Lacagtaas ayaa gabi ahaanba lagu caawiyaa milateriga Israa’iil.

Deeqdan ayaa qayb ka ahayd heshiis uu sexiixay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barrack Obama sanadkii 2016-kii, heshiiska lagu taakulaynayo milateriga Israa’iil ee ay dowladda Maraykanka sexiixday ayaa bilawday 2017-kii wuxuuna ku egyahay 2028-ka.

Taasi ayaa waxa u dheer, sanadkii la soo dhaafay dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo doollar ku bixisay mashruuca deegaamaynta Israa’iil. Israa’iil ayaa leh sharci muddo taagna oo ay ku qaabilayso Yuhuuda ka soo kala jeeda caalamka.

Siday Israa’iil u isticmaashay lacagahaas?

Sanadihii la soo dhaafay, gargaarka Mareykanka wuxuu ka caawiyay Israa’iil inay horumariso mid ka mid ah militariga ugu horumarsan dunida, iyadoo dhaqaalaha uu oggolaanaya inay ka iibsadaan Mareykanka qalab militari oo casri ah.

Tusaale ahaan, Israa’iil waxay soo iibsatay 50 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo loo yaqaan F-35, oo loo adeegsan karo weerarrada gantaallada, 27 ka mid ah diyaaraddaha ilaa hadda waa la keenay, waxaana ku kacaysa midkiiba $ 100 milyan oo doollar.

Sanadkii la soo dhaafay Israa’iil sidoo kale waxay iibsatay siddeed diyaaradood oo nooca KC-46A Boeing waxaana lagu qiyaasay lacagta ku baxday $ 2.4 bilyan oo doollar. Kuwani waxay awood u leeyihiin inay shidaal ku shubaan diyaaradaha sida F-35 hawada dhexdeeda.

Tan iyo 2011-kii, Mareykanku wuxuu Israa’iil ugu deeqay $ 1.6 bilyan oo doollar oo ku baxday nidaamka difaaca gantaalada ee Dome.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil waxay malaayiin ku bixisay la shaqeynta Mareykanka horumarinta tikniyoolajiyadda militariga, sida nidaam lagu ogaanayo godadka dhulka hoostiisa mara ee loo adeegsado in lagu soo dhexgalo Israel.

Dowladda Israa’iil waxay si weyn u maal-galisaa qalabka milateriga iyo tababarka.

Kaalmada ay hesho Israa’iil, marka la barbar-dhigo wadamada kale?

Tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Israa’iil waxay ahayd maamulka ugu badan ee hela guud ahaan gargaarka Mareykanka.

Sannadkii 2019-kii, sanadkii ugu dambeeyay ee la sameeyay tirakoobyo si buuxda loo shaaciyay, Israa’iil ayaa ahayd dalka labaad ee ugu badan ee qaata kaalmada shisheeye ee Mareykanka marka la tago Afghanistan, sida ay sheegtay hay’adda USAID.

Masar iyo Urdun sidoo kale waa kuwa ugu badan ee qaata gargaarka Mareykanka. Labaduba waxay heshiisyo nabadeed oo u gaar ah la leeyihiin Israa’iil, iyagoo mar dagaal la galay.

Dhanka kale, Madaxweyne Biden ayaa dib u soo celiyey xoogaa maalgelin ah ($ 235 milyan oo doollar) oo loogu talo galay hay’adda Qaramada Midoobay oo lagu taakulaynayay qaxootiga Falastiin, dhaqaalahan waxaa horay u jaray maamulkii Trump 2018-kii.

Maxay tahay sababta uu Maraykanka deeq intaas dhan u siinayo Israa’iil?

Waxaa jira sababo dhowr ah oo uu Mareykanku u siinayo Israa’iil gargaarka aad u badan, oo ay ku jiraan ballanqaadyo taariikhi ah oo ku saabsan taageerada Mareykanka ee abuuritaanka maamulka Yuhuudda 1948-kii.

Intaa waxaa sii dheer, Israa’iil wuxuu Mareykanku u arkaa inay tahay xulafo muhiim u ah Bariga Dhexe.

Mareykanka wuxuu leeyahay: “Kaalmada shisheeye ee Mareykanka waxay qayb weyn ka ahayd adkeynta iyo xoojinta xiriirkaas.

Hay’adda kaalmada dibedda ee dawladda Mareykanka ayaa tiri: “Kaalmada Mareykanka waxay gacan ka geysaneysaa hubinta in Israa’iil ay sii waddo tayeenteeda Milatari si ay uga hortagto khataraha ka imaan kara gobolka.”

Waxay kaloo qortay: “Kaalmada Mareykanka waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo in Israa’iil ay si ku filan u xasiliso inay qaado tallaabooyinka taariikhiga ah ee lagama maarmaanka u ah heshiis nabadeed oo lala gaaro Falastiiniyiinta iyo nabad buuxda oo gobolka ah.”

Ololihii doorashada xisbiga dimuqraadiga ee 2020-kii wuxuu “taageero xoog leh” u muujiyay Israa’iil, laakiin qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa hada su’aal ka qaba balanqaadka gargaarka Mareykanka.

Senatar Sanders iyo Dimuqraadiyiinta kale ayaa bilaabay olole ay ku joojinayaan qorshaha Israa’iil looga iibinayo hub gaaraya $ 735 milyan oo dollar

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post