312 Views

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland oo Xabad joojin dhex dhigay Maleshiyadkii ku dagaalamay deegaanka Saax-meygaag

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland oo Xabad joojin dhex dhigay Maleshiyadkii ku dagaalamay   deegaanka Saax-meygaag
____________________________________________________________________________


khamiis: January 6, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta beelo walaalo ah oo halkaasi ku diriray, waxaana lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin Kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, Kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post