657 Views

Maxkamadda CQS: Dhiigga ku daatay Guriceel & Dhuusamareeb waa in loo maxkamadeeyaa Dadkii ka dambeeyay

Maxkamadda CQS: Dhiigga ku daatay Guriceel & Dhuusamareeb waa in loo maxkamadeeyaa Dadkii ka dambeeyay
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee DG Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasanley ayaa sheegay in lala xisaabtami doono qofkii ku lug yeesha dagaal dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Dowladda oo ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi waxa uu sheegay in aanay laga soo hari doonin kiiska ka dhashay isku dhaca dhexmaray Ciidamada Booliiska & kuwa Militariga gaar ahaan Gorgor oo ah ciidanka ay tababartay Dowladda Turkiga.
Guddoomiyaha waxa uu intaas ku daray in baarista lagu howlan yahay in lagu caddeynayo dambigaas dhacay cidda qaadaneysa si looga fuliyo waajibka ka saaran sida uu hadalka u dhigay Gaashaanle Cabdullaahi Abuukar.
“Shaqaaqadii ka dhacday Guriceel & Dhuusamareeb waxaa ku socda baaris, Ciidamada Qalabka sida waxa saaran labo waajib oo kala ah sugidda amniga & Difaaca Dalka, Dhiiggii ku baxay halkaas ma aha mid laga tagi dooni, mas’uuliyad ayay yeelan doontaa, sarkaal & askari ciddii dambiga yeelata waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda CQS ee Galmudug.
Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka waxa uu ciidamada uga digay in ay ku lug yeeshaan fal-dambiyeed lamid ah kuwa ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb oo kahor imaanaya Anshaxa ciidanka.
Guriceel & Dhuusamareeb isku dhac dhexmaray Ciidamo Booliis & kuwa gaarka u tababar ee Gorgor katirsan waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, saraakiil katirsan Maxkamadda Ciidamada sida si baarista kiiskaan gacan uga geystaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post