699 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filisha) ayaa Maanta dib ugu soo labtay Magaalada Muqdisho, iyada oo la soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka Amniga & siyaasadda gobolka Banaadir Cali Maxamed Warsheere & xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayuu guddoomiye Cumar Filish waxaa uu uga qeyb-galay shirka Wadatashiga Maamul goboledyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ee uu ka qeyb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay la soo geba-gabeeyay, iyada oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post