1512 Views

Madaxweynaha Faransiiska oo ugu baaqay Yurub inay ka madaxbannaanto Mareykanka

Madaxweynaha Faransiiska oo ugu baaqay Yurub inay ka madaxbannaanto Mareykanka
____________________________________________________________________________


Jimco: October 1, 2021

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Yurub ay tahay inay ka madaxbannaanaato Mareykanka, waxaana baaqa Macron uu daba socdaa caradii Faransiiska ee heshiiska gujisyada badda hoosteeda mara ee u dhexeeya Mareykanka iyo Australia.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa muujiyeen caro kadib markii Mareykanku ‘albaabka dambe ka soo galay’ wax ay ku sheegeen inay tahay qorsha amniga ee isbahaysi loo yaqaan AUKUS.

Heshiiska ay wada galeen saddexdan waddan ayaa khasaare balaayiin dollar ah u geysanaya shirkadda Naval Group oo ay leedahay wasaaradda Gaashaan-dhigga Fransiiska.

“Wakhti dheer ayuu Madaxweyne Macron ku soo cel-celinayay in Yurub ee ka madaxbannaanato amni ahaan Mareykanka, heshiskan AUKUS wuxuu ka dhiganayaa fursad” ayay tiri Catherine Field oo ah wariye iyo falanqeeye fadhigeedu yahay Paris, oo khadla telefoonka ugu warrameysay wariyaha VOA-da Jackson Mvunganyi.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ku howlan sidii ay u hagaajin lahaayeen xiriirkooda, kaas oo uu qeyb ka ahaayeen wicitaan taleefan oo dhex maray Madaxweyne Biden iyo Macron, shir-doceed ku dhexmaray shirar Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal.

VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post