936 Views

Xusuusin: Heshiiskii 2019 ee Soomaaliya iyo Kenya ee aan dhaqangelin

Xusuusin: Heshiiskii 2019 ee Soomaaliya iyo Kenya ee aan dhaqangelin
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka diblumaasiyadeedee labada dal.

Bishii November ee sannadkii 2019-kii, waxaa Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada saxiixdeen heshiis lagu soo afjari lahaa khilaafka labada dhinac.

Heshiiskaas oo aan dhaqan gelin wuxuu u qornaa sidan:

  • In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  • In duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  • In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya.
  • In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

BBC

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post