258 Views

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo war soo saaray Duqeyntii lagu dilay hogaamiye ka tirsan ururka Al-Shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo war soo saaray Duqeyntii lagu dilay hogaamiye ka tirsan ururka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiyaastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku waxyeeloobay duqeyntaas.

Africom ayaa sheegtay inay iyada iyo xulafadeeda ay sii wadi doonaan tallaaba kasta oo looga hor tagayo qorshaha Al-Shabaab iyo weerarada ka dhanka ah dadka shacabka ah.

Waxay intaa ku dartay in Taliska Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tababarka, talada iyo qalabeynta ciidamada uu ka dhaxeeyo iskaashiga, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post