1095 Views

Mahad Salaad “ Farmaajo sidii shalay uu u kufsaday sharciga ayuu maanta mar kale horteena ku kufsanayaa

Mahad Salaad “ Farmaajo sidii shalay uu u kufsaday sharciga ayuu maanta mar kale horteena ku kufsanayaa
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Farmaajo caawa wuxuu sheegay in uu Darajadii Ciidanka ka xayuubiyay Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Gen Saadaq Joon.

Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.

Farmaajo sidii shalay uu u kufsaday sharciga ayuu maanta mar kale horteena ku kufsanayaa. Hadii ay jirtay cid wali rajo ku xireysay Farmaajo

Sidoo kale maanta waa laga wada dheregsanyahay waallidiisu heerka ay gaarsiisantahay. Sidaas daraadeed war iyo wax la sheego ma harin ee haloo diyaar garoobo sidii Farmaajo la isaga qaban lahaa inta goori goor tahay.

Hon. Mahad Salad

OFfice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post