834 Views

Kuuriyada Koonfureed oo bilaawday inay Ciidankeeda kala baxdo Xeebaha Soomaaliya

Kuuriyada Koonfureed oo bilaawday inay Ciidankeeda kala baxdo Xeebaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaawday in daad-gureyso Ciidamadeeda la dagaalanka burcad Badeeda Soomaalida ee ku sugan qeybo kamid ah Xeebaha dalka Soomaaliya.
Tallaabadaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii lix askari oo kamid ah Markabka wax burburiya ee Kuuriyada Koonfureed ka joogay Xeebaha Soomaliya laga helay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay Xeebaha Soomaliya kala baxeyso 300 oo Askari oo 80 kamid ah lagu arkay astaamaha Cudurka Coronavirus, kuwaas oo ku howlgalayay Markabka Munmu the Great.
Sida ay warisay Wakaalada Wararka ee Yonhap Ciidamada Millateriga qeybta la-dagaalanka Burcad Badeeda ay tageen Biyaha Soomaliya bishii Febraayo iyaga oo aan la tallaalin, laakiin Ciidamada qaar ay awoodeen in ay ku helaan talaal dibada ah bilowgii bishii May.
“Bishii Febraayo, ciidamada Kuuriyada Koonfureed ee da’doodu ka yar tahay 30 jir ayaa kaliya haystay fursad ay ku qaataan tallaalka Pfizer ama ma aysan heli karin ka hor ama inta lagu gudajiray howlgalka qayb ahaan sababo la xiriira shuruudahakaydinta Pfizer oo markii dambe dib loo eegay ayaa lagu yiri” War kasoo baxay  xukuumadda Seoul.
Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka socda dalal kala duwan, kuwaas oo Xeebaha loo keenay la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida, wallow sanadihii la soo dhaafay ay yaraadeen Burcad Badeeda afduubata Maraakiibta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post