939 Views

Lafta gareen, Waare & Mursal oo kulan siyaasadeed ku yeeshay Muqdisho.

Lafta gareen, Waare & Mursal oo kulan siyaasadeed ku yeeshay Muqdisho.
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed la baratamaya Shirka wadatashiga Madaxda heer iyo heer Dowlad Goboleed, si dhinacyadaan ay u muujiyaan is dhexgalkooda siyaasadda.

Madaxweynaha DG KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Dhiggiisa Hir-Shabeelle maxamed Cabdi Waare ayaa tagay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waare iyo Lafta gareen waxa ay mursal kala hadleen Arrimaha Siyaaddda si gaar ah Doorashada, wada-xaajoodka, howlaha Geedi socodka iyo laanta xeer dejinta oo kaalin ku leh howlaha socda.

Afhayeenka Golaha Shacabka oo ah shaqsiga ku xiga Madaxweyne Farmaajo ayay ka dalbadeen madax goboleedyadaan la kulantay in uu kaalin ka qaato doorka uga aadan dhaq-dhaqaaqa Siyaasadeed.

Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sugaya natiijada Shirkii Dhuusamareeb (3), maadaama kahor inta uusan u safrin u ballanqaaday in natiijo waliba oo kasoo baxda uu dib ugu soo celinayo.

Aqalka hoose ee BFS ayaa aaminsan in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, waxaana uu ku dooday in la ansixiyay qodobada salka u ah, inkasta oo aan jirin isbadal dhanka aragtidaas ah, balse xildhibaannada qaar ayaa Mustaqbal u sheegay in Golaha Shacabka uu taageerayo go’aan waliba oo lagu gaari karo doorasho si looga fogaado xil dheereysi.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post