549 Views

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay ictiraafka Somaliland fariinna u diray Soomaaliya

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay ictiraafka Somaliland fariinna u diray Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyay dedaallada socda ee madaxbannaanida loogu raadinayo Somaliland.

Barkhad Batuun ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay farriin kooban oo uu u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo dhammaan dadka ka codsaday inay garab istaagaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale waxa uu farriin u diray xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay tahay inay ka shaqeeyaan ammaanka shacabka magaalada Muqdisho oo aanay isku mashquulin Somaliland iyo ictiraafka ay baadigoobayso.

Hadalka Barkhad ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali, la sheegay inuu Khadka taleefanka kula hadlay wasiirka arrimaha Afrika ee boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada wasiir ayaa wadahadalkooda waxa ay diiradda ku saareen adkeynta cilaaqaadka iyo wadashaqeynta, iyadoo sidoo kale la isla soo qaadey ilaalinta iyo dhawrista midnimada ee labadda dal.

”Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post