1164 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyoooday Shil gaari oo ka dacay Koonfur Afrikaa

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyoooday Shil gaari oo ka dacay Koonfur Afrikaa
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 15, 2021

Waxaa shil gaari ku geeriyooday Allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray  Maxamuud Cabdullahi Kulane, oo ku magac dheeraa (Madaxeey),  kaasi oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee ka xoogsada dalkaasi Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee (Madaxeey),  ayaa ku geeriyooday Shil gaari Truck ah oo isaga uu Darawal ka ahaa, kaasi oo ka dhacay Gobolka Mpumalanga ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo kamid ahaa Dhallinyarada firfircoon ee ku nool magaalada Johannesburg, ayaa ilaa iyo haatan aanay Boolisku sheegin waxa sababay Shilkaasi

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gawaarida, waxaana inta badan geli jiray dadka u dhashay dalkaas, iyada oo ay aad u yareyd shilalka ay galaan Wadayaasha Soomaalida ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post