990 Views

Cali Yare oo sheegay inaanu jirin wasiir awood u leh hakinta safarada muwaadiniinta oo uu ula jeeday Xayiraadii Taliye Dirir

Cali  Yare oo  sheegay inaanu jirin wasiir awood u leh hakinta safarada muwaadiniinta oo uu ula jeeday Xayiraadii Taliye Dirir
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere, ayaa sheegay inaanan la dhaawacin hannaanka kala danbeynta dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiye Cali, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey amar xanibaad safar ah, oo uu soo saarey wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa kusoo rogey xanibaadda sargaal katirsan ciidanka badda, oo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey dhul boobb.

Mas’uuliyiinta isu jawaabaya ayaa timid, kadib markii uu mar kale dib u qarxey khilaafkii ka dhaxeeyey ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Cali Cabdi, ayaa carabka ku dhuftey inaanu jirin wasiir awood iyo sharciyad uheysta inuu hakiyo safarada muwaadiinta iyo masuuliyiinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post