846 Views

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo goor dhaw lagu dhawaaqayo

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo goor dhaw lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 06 2020—Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkaan ay ka qeyb-galeen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qeyb-galayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmeysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkaan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post