840 Views

Qarax xoog leh oo Caawa ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada Kismaayo.

Qarax xoog leh oo Caawa  ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada Kismaayo.
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu caawa ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Qaraxaan  ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post