633 Views

4 ruux oo rayid Falastiiniyiin ah ku geeriyootay weerar ay ciidamada Yahuudu ku qaadeen magaalooyinka Jeeniin iyo Qudus

4 ruux oo rayid Falastiiniyiin ah ku geeriyootay weerar ay ciidamada Yahuudu ku qaadeen magaalooyinka Jeeniin iyo Qudus
____________________________________________________________________________

Axad: September 26, 2021

Ku dhawaad  4 ruux oo rayid Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyootay weerar ay ciidamada Yahuudu ku qaadeen magaalooyinka Jeeniin iyo Qudus ee dhulka Falastiin.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Israel oo wata gaadiidka gaashaaman ay ku duuleen xaafado rayid deganyahay oo daanta galbeed ku yaala.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin oo la yiraahdo Max’ed Xaliil ayaa sheegay in ciidamada Yahuudu toogteen dad rayid ah oo isku soo bax dhigayay.

War laga soo saaray xafiiska r/wasaaraha Falastiin ayaa lagu sheegay in xataa ciidamada Israel qaateen meydadka qaar ka mid ah dadka ay dileen.

Warbaahinta Israel ayaa laga soo xigtay inuu jiro khasaaro soo gaaray ciidamadooda kadib iska caabin ay shacabka kala kulmeen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post