723 Views

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Sacuudi ah oo ku eedeeyay dhaxalsugaha inuu u soo diray koox la mid ah kuwii dilay Jamal Khashoggi

____________________________________________________________________________

Saad Aljabari oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa Maxkamad ku taal Maraykanka u gudbiyey dacwad ka dhan ah dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, isaga oo ku eedeeyey inuu u soo diray koox la mid ah kuwii dilka u gaystay suxufigii Jamaal Khashoggi.

Saad Aljabari, oo haatan daggan dalka Canada  wuxuu sannado ahaa badan la soo shaqeeyey Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sacuudiga Mohammed bin Nayef oo ahaa dhaxalsuge safka hore ku jira, isaga oo lagu tirin jiray inuu gacantiisa middig ahaa, wuxuu  hayey xog fara badan oo la xiriirta siyaasadda boqortooyadda Sacuudiga ee  amaanka gudaha & tan la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale xiriirka Maxamed Bin Salmaan la leeyahay Donald Trump, wuxuu ka cabsi qabaa inuu sababaha loogu raad-joogo ay tahay in la doonayo in la aamusiyo si aysan bannaanka u bixin xogtii uu hayey.

Saad, dhaliilaha uu u jeediyey dhaxal-sugaha waxaa ka  mid ah; inuu adeegsanayo awood kasta oo suurtagal ka dhigeysa si uu xabsi dheer ugu diro ama u dilo cid kasta oo isaga ka fikir duwan, taas oo buu yiri dhaawaceysa xuquuqda muwaadiniintu u leeyihiin in ay fikirkooda cabiraan.

Kooxda loo soo diray dilka Saad Aljabari oo isugu jira askar iyo khubaro ku taqasusay dilalka qorsheysan iyo tirtirida raadadka dilalkaasi ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan waddanka Canada, oo uu ku sugan yahay Saadi si ay u dilaan hasse ahaatee waxaa dib u celiyey  ciidamada illaalada xadduudaha Canada oo ka shakiyey.

Eedaha kale ee loo jeediyey dowladda Sacuudiga waxaa ka mid ah afduubka 2 ka mid ah caruurta Saad Aljabri, ilaa haatanna aan laga war hayn xaaladooda iyo halka ay ku sugan yihiin, sababta loo afduubtay  lagu sheegay in uu gorgortan lagula galo sidii uu aabahooda dalka dib ugu soo noqon lahaa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post