1290 Views

Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Buulo burte

Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay  degmada Buulo burte
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Warar dheeraad ah ayaaa ka soo baxaya Dagaal kulul oo saakau ka dhacay Gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya Ciidamada Xooga iyo kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay saakay Wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Dowlada deegaanka Ceelbacad oo ku yaala duleedka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka waday inta u dhaxeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ayaa la sheegay in dagaal kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al- Shabaab .

Sidoo kale Degaanka Ceelbacad u ka socda dagaalka ayaa dhowr jeer oo hore waxa ugu dagaalamay ciidmaada dowlada oo garab ka helaya Macaawisley iyo A.shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post