996 Views

Doontii soolarka aheyd’ ee reer Fircoon oo la geeyay matxafka Giza

Doontii soolarka aheyd’ ee reer Fircoon oo la geeyay matxafka Giza
____________________________________________________________________________

Axad August 8, 2021

Doonni cajiib ah oo ay lahaayeen dadkii hore ee qadiimiga ahaa ee Masar taas oo la sameeyay waqtigii Faraacinada ayaa waxaa la geeyay hoygeeda cusub kaas oo ah Matxafka wayn ee Masar ee Giza, kaas oo lagu wado in sanadkan laga furo meel u dhaw Ahraamta dalkaas.

Waxaa la adeegsaday aalado culculus si loo dhaqaajiyo doontan alwaaxyada ka samaysan oo loogeeyo gurigeeda cusub ee rasmiga ah ee lagu soo bandhigi doono

Aragtida ayaa ah in doonta – oo lagu tilmaamay inay tahay doonta soolarka – loo dhisay si uu Fircoon uu hawada sare ugu duulo kaddib dhimashadiisa

Waxaa laga helay Ahraamta wayn ee Giza ee Qaahira, taas oo laf-ahaanteeda uu dhisay Boqor Khufu

Doonida ayey mas’uuliyiinta Masar waxa ay ku tilmaameen inay tahay walaxdii “ugu ballaarnayd ee ugu da’da wayn” ee alwaax laga sameeyay markii la fiiriyo taariikhda bini’aadamka

Boqor Khufu – oo la rumaysan yahay inuu halkaas maamulyay intii u dhaxaysay 2,589-2,566 BC – ayaa Giriiggii hore waxa ay u yaqaanneen Cheops

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post