540 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kala hadlay xaaladda dalka Maamuladda Jubbaland iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kala hadlay xaaladda dalka Maamuladda Jubbaland iyo Galmudug.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24,2022

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland,  Maxamuud Sayid Aadan iyo dhiggiisa Galmudug  Cali Daahir Ciid.

Kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Masuuliyiinta ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arinta gobolka geddo, waxaana sidoo kale lasoo hadal qaaday Sidii laga yeeli lahaa xogga ahlusuna oo dhaqdhaqaaqyo Ciidan mudooyinkii danbo ka waday degaanadda Galmudug.

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa illo xogogool ah waxa ay warbaahinta u shegeen in uu balan qaaday in ay dowladiisu dhameyn doonto khilaafka gobolka gobolka Gedo oo caqabad ah ku ah maamulka Jubbaland, sidoo kalana xal buuxa laga gaari doono xoogaga Ahlusunna.

Dhankooda madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Galmudug ayaa balan waatay in ay ka shaqeeyn doonan Dowladda uu hogaamiyo xasan shiikh maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post