180 Views

Madaxda maamul gobaleedyada iyo dooda dhameystirka Dastuurka

Madaxda maamul gobaleedyada iyo dooda dhameystirka Dastuurka
____________________________________________________________________________

GAROOWE — Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka oo ka hadkay dhameystirka Dastuurka KMG ah ayaa soo dhaweeyey tallaabadii todobaadkaan ay qaadeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa dhameystirka Dastuurka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka hadlay dhameestirka Dastuurka ayaa sheegay in maanta loo dhan yahay dhameestirka Dastuurka, “Maantaa loo dhanyahay dhameystirka Dastuurka, waxaan ugu hambalyeynayaa dadaalka iyo wadatashiga uu galiyayay Madaxweynaha JFS.”

Laftagareen oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray dhameestirka Dastuurka ayuu sheegay in dhameystirka Dastuurka uu noqday tixine, isaga oo xusay tallaabadii uu qaaday Baarlamaanka ay ahayd  ansixinta dhameestirka dastuurka balse aysan ahayd dhameystirka dastuurka, “Albaabkii dhamaystirka Dastuurka ayaa furmay, baarlamaankuna waxay qabteen shaqo taarikhi ah.”

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweynaha Dani ayaa amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in uu ku dhiiraday dhameystirka Dastuurka, loona baahan yahay in la garab istaabo Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dhankiisa ka hadlay caleemsaarka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in laga shaqeeyo waxyaaba hortabinta u leh dowladnimada, isaga oo carrabka ku dhuftay in baahi loo qabo dhameystirka Dastuurka, dalkana uusan ku sii jirin karin in uu sii ahaado qabyo.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xusay in xilligaan lagama maarmaan tahay in la’iska daayo hadallada xanafta ah, lagana shaqeeyo waxa danta u ah ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sii sheegay in dowladnimada ay u dhutinayso dhameystirka Dastuurka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post