1026 Views

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Dhuusamareeb uga qayb galay Daahfurka dhismaha xarunta Wasaaradda Deegaanka

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Dhuusamareeb uga qayb galay Daahfurka dhismaha xarunta Wasaaradda Deegaanka
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid uu  galinkii dambe ee maanta Dhuusamareeb uga qayb galay Daahfurka dhismaha xarunta Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug.

Dhismahan oo ka kooban tiro xafiisyo ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Wasaaraddu yeelato tan iyo markii Galmudug la aas-aasey, waxaana Wasiirka wasaarada deegaanka Saciid Siyaad Shirwac uu xusey in howshani qayb ka tahay Horumarka Wasaaraddu ku tilaabsatey muddadii uu xafiiska joogay.

Sidoo kale maamula Galmudug ayaa ku shaqeeya xafiisyo gaar loo leeyahay, Xili Magaalada dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud ay ku yaalaan xarumo Dowladeed, balse u baahan in dib loo Dayactiro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post