756 Views

Baarlamaan Puntland oo asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo

Baarlamaan Puntland oo  asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Baarlamaan Puntland oo  asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u soo gudbiyay Madaxweyne Deni.

41 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntkand ayaa oggolaaday in la iibiyo dhulkaas, 2 mudane ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin.

Waa markii ugu horeysay oo hanti dowladeed oo la iibinayo la oo soo mariyo Golaha Wakiillada Puntkand, waxaa horey u jiray hanti badan oo la iibiyay, iyadoo aysan oggolaan Baarlamaanka.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 52-aad, farqadiisa 3-aad ayaa dhigaysa “Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada“.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post