921 Views

Puntland oo ku dhawaaqdey feejignaan dhinaca Amniga ah

Puntland oo ku dhawaaqdey feejignaan dhinaca Amniga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey kulan ay Maanta Magaalada Garoowe ku yeesheen saraakiisha Ciidamada Puntland,kaas oo looga hadlayay dhinaca Amniga.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in kulanka looga hadlay sidii amniga looga wada Saqeyn lahaa loona laba jibaari lahaa sugida aniga,sida Garoomada,Koontoroolada,sidoo kalena ciidamada Amniga ay noqdaan kuwo wada feegin.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay shacabka ku baraarujinayaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen sugida Amniga,Ciidamadana kaalin ka siin lahaayeen,isaga oo ugu baaqay,Odayaasha,waxgaradka,Dhalinyaarda iyo Haweenka inay doorkooda qaataan.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay ka hadleen sidii loo laba jibaari lahaa howlgalladaa ka dhanka ah kuwa mar walba falalka amni darro ka geysta deegaannada kala duwan ee Maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment