921 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa guddoomiyay shirka amniga Caasimadda iyo hay’adaha ammaanka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo caawa guddoomiyay shirka amniga Caasimadda iyo hay’adaha ammaanka
____________________________________________________________________________

April 22-2021

Waxaa  Caawa magaalada Muqdisho ka dhacay shirkii amniga Gobolka, Waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxa uuna ahaa kulan uu shir  guddoomiyay Rooble shirka amniga Caasimadda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taasoo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa Al-shabaab iyo cadowga shirqoolada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post