1605 Views

Sawirro:-Dad Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Wado Isku Xirta Mandheera Iyo Nairobi

Sawirro:-Dad Ku Geeriyooday Shil Ka Dhacay Wado Isku Xirta Mandheera Iyo Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  27, 2019 –Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geriyootay Shil Waaberigii hore ee saakayto, kadib, markii Bas ay la socdeen Rakaab uu ku dhacay Gaari Xamuul oo waday Qalab Xafiiseed.

 

Shilkaasi oo ka dhacay Waddada weyn ee  Matuu Road  ee isku xirta  magaallooyinka Garissa iyo Thika ayaa waxaa ku geeriyootay 14 qof oo kala ahaa 10-nin, 3 haween iyo ilmo yar.

 

Dadkii ka badbaaday shilkaasi oo la socday Baskaasi ayaa sheegay inuu Dareewalka si xawli ah ku waday Baska oo ku sii jeeday magaalladda Nairobi.

 

Baskaasi oo ay lahayd Shirkadda Gaadiidka ee Medina Sacco Company waxa ay inta badan basaskooda ka dhex shaqeeyaan Nairobi ilaa magaalladda Mandhera oo ku taalla meel ku dhow Xuduudka Somalia.

Taliyaha Boliska Deegaanka Yaata, Joseph Karanja oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa xaqiijiyey  inay 15 qof ku geriyootay oo uu ka mid ahaa Kaariga baska soo rara oo magaciisa lagu soo koobay Jamaaludiin, iyadoo ay 4 kale ku dhaawacantay.

 

Shilkaasi ayaa dhacay Abaarihii 5-tii iyo dhowr daqiiqo ee Waaberigii hore ee maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.

Shalay ayey ahayd markii ay 3 qof ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta  magaallooyinka Niarobi iyo Mombasa ee dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment