885 Views

Dadkii ugu horreeyay oo laga saaray aaga warshadaha Mariupol tan iyo markii Putin uu amray in la go’doomiyo

Dadkii ugu horreeyay oo laga saaray aaga warshadaha Mariupol tan iyo markii Putin uu amray in la go’doomiyo
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Guutada Azov ee ciidammada waddanka Ukraine ayaa xaqiijiyay in 20 qof oo rayid ah laga saaray aagga warshadaha ee magaalada Mariupol intii ay jirtay xabbad joojinta.

Waa dadkii ugu horreeyay ee halkaas isaga baxa tan iyo markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu todobaadkii hore amray in la go’doomiyo aagga warshadadaha.

Aaggaas ayaa la sheegay inay tahay goobta ugu dambaysa ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Ukraine ee ka tirsan magaaladaasi.

Dhanka kale ciidammada Ruushka ee haysta gobolka Kherson ee koonfurta waddanka Ukraine ayaa la sheegay inay qorshaynayaan in wixii maanta ka bilowda halkaas laga hirgeliyo isticmaalka lacagta Rouble-ka ee waddanka Ruushka.

Sarkaal ka tirsan Ruushka oo ku sugan gobolka Kherson ee la haysto ee koonfurta Ukraine ayaa sheegay in dhulkaasi uu maanta laga dhaqan gelin doono isticmaalka lacagta Ruushka ee Roubles, iyadoo lagu jiro xilli ku meel gaar ah oo gaaraya ilaa afar bilood oo lacagaha Ruushka iyo tan Ukraine laga adeegsanayo halkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha gobolka Kherson ee Ukraine ayaa sheegay inuu ka shakisan yahay in tani ay suurtogal noqon doonto halka nidaam ee bangiyada ee kaliya ah ee gobolka ka shaqeeya uu yahay kan Ukraine

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post