423 Views

Salman Rushdie oo kasoo baxay xaaladdii degdega bilaabayna inuu hadlo

Salman Rushdie oo kasoo baxay xaaladdii degdega bilaabayna inuu hadlo
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Qoraaga Salman Rushdie, ayaa laga saaray qalabka dadka ka kaalmeeya hawo qaadashada, isagoo awood u yeeshay inuu mar kale hadlo, maalin kadib markii la tooriyeeyay.

Rushdie oo 75 jir ah, ayaa la weeraray xilli uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday gobolka New York, weerarka kadib, wuxuu xaalad halis ah.

Waxa uu sannado badan soo gaarayey oo loo jeedinayayy hanjabaado dil ah, oo ay ugu wacan tahay buuggiisa Aayadaha Shaydaanka, taasoo dadka Muslimiinta qaarkood ay u arkaan mid aflagaado ah.

Ninka lagu soo eedeeyay weerarkii Jimcihii, ayaa qirtay inuusan wax danbi ah oo isku day dil ah galin, iyadoo laga sii daayay xabsiga, wax dammaanadna laguma qasbin.

Hadi Matar, oo 24 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu masraxa ku orday uuna ugu yaraan 10 jeer toori ka galiyay Rushdie wejiga, qoorta iyo caloosha.

Weerarka ka dib, wakiilka Rushdie, oo la yiraahdo Wylie, ayaa waxa uu sheegay in qoraaga ay waxyeello kasoo gaartay neerfaha hal gacan, beerka, ayna u badan tahay in hal il ka dhaci doonto.

Henry Reese, oo lagu waday inuu ku wareysto Rushdie, goobta uu weerarka ka dhacay, ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud oo madaxa ah.

Isagu waa aasaasihii urur aan faa’iido doon aheyn, oo siiya kaalmo dadka gabya iyo qorayaasha la masaafuriyay, iyagoo ay lasoo daristay hanjabaad cadaadis.

Kahor inta uusan dhicin weerarka, Rushdie ayaa waxa uu rabay inuu jeediyo khudbad ku saabsan sida Mareykanka uu gabaad ugu noqday qorayaashan oo kale.

Qoraaga ayaa lagu qasbay inuu is qariyo muddo ku dhow 10 sano, kadib markii uu daabacay buugga la magac baxay Aayadaha Shaydaanka sanadkii 1988-dii.

Muslimiin badan ayaa si caro leh uga falceliyay daabacaadda buuggaas, iyagoo ku doodaya in sawirka Nebi Muxamed “NNKH” uu yahay mid martabad sare kaga jira iimaankooda Islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post