462 Views

Madaxweynaha Turkey-ga oo iska fogeeyey in weerar hawada ah ay ku qaadeen waqooyi galbeed dalka Ciraaq

Madaxweynaha Turkey-ga oo  iska fogeeyey in weerar hawada ah ay ku qaadeen waqooyi galbeed dalka Ciraaq
____________________________________________________________________________


Axad : August 22, 2021

Madaxweynaha Turkey-ga ayaa iska fogeeyey sabtidii in weerar hawada ah ay ku qaadeen waqooyi galbeed dalka Ciraaq horraantii toddobaadkan, taasoo ay ku dhinteen sideed qof oo kusugnaa xarun isbitaal.

Wuxuu ku adkeystay Erdogan in goobta ay hoy u aheyd xubno katirsan xisbiga shaqaalaha ee Kurdistan, taasoo maamulka Ankara u aqoonsan yahay urur argagaxiso.

Kolkii hore tirada dadka ku dhintey duqeynta ayaa lagu sheegay talaadadii gobolka Sinjar ee Iraq saddex qof, ha yeeshee saraakiil reer Iraq ah ayaa maalin kadib sheegay in tirada dhimashada ay kor uggu kacdey sideed.

Duqeynt hawada ee is xigxigta eeTurkey-ga, ayaa kicisay dareenka maamulka Baghdad, ha yeeshee Madaxweyne Erdogan, ayaa ka digay in dalkiisa uu gacan adag ku qabanayo ururka PKK, haddii aaney dowladda Iraq awoodi weyso iney tallaabo ka qaaddo.

Dowladda Iraq ayaa si joogta ah ugga cabata xad gudubyada joogtada ah ee military Turkey-ga ku sameeyaan madax bannaanida dalkeeda, iyado marar kala duwan arrintan kala hadashey safiirka Turkey-ga u fadhiya Iraq.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post