2835 Views

Dhagayso:- Madaxweynaha dalka oo ka hadlay arimo xasaasi ah

Dhagayso:- Madaxweynaha dalka oo ka hadlay arimo xasaasi ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku yaallaan TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka.

Halkan Ka Dhagayso

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay tahay oo uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta uu soo booqdo, isagoo xusay in sanadkii 2011-kii uu yimid, xilli uu ahaa Ra’iisul Wasaare, xilligaas  oo la howl geliyay Telefishinka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ugu hambalyeeyay ansixinta Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xildhibaanada sharcigan mudo dheer la horkeenayay ayna diidanaayeen, balse maanta ugu dambeyn ay ansixiyeen.

“Anagoo waqti kooban joognay, in Baarlamaanka Golaha Shacabka sharcigan la horgeeyay ayna ansixiyaan, waxa ay ka mid tahay guulaha iyo hormarka ay gaartay xukuumadda, waxaan rajeynayaa Aqalka Sare iyaguna in ay ansixiyaan”. Ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo oo soo hadal qaaday arrimaha amniga ayaa sheegay Dowladda in loo wakiishaday arrimaha amniga lagana rabo in Ciidamada ay abaabusho, Ciidamada baahidoodana ay meel saarto, hadii ay ahaan lahaayeen Mushaaraadka iyo waxybaaha kale ee ay u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, ururka Al-shabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay Dowladda u soo sheegaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab, si looga hortago dadka masaakinta ah ee dhibaatada loo geysanayo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Dr. Maxameed Jaamac Salaad iyo Wariye Aadan Kismaayo oo labaduba buslahada Soomaaliyeed qiimo weyn ku lahaa.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment