669 Views

Baydhabo oo ka socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare

Baydhabo oo  ka  socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Axad: August 15, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay ka  socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceyso magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo saddex kursi ah ayaa waxaa ku loolaya illaa lix musharrax kuwaas oo kala ah: 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed, 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Lixdan musharrax ayaa ah kuwa cusub, iyada oo uu Lafta Gareeb meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo iyaguna kala ah; Mudane Cabdikaafi Macallin Xasan, Mudane Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ka hor doorashada hadal jeedin ka sameyn doono xarunta golaha wakiilada Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyey guddiga qabanaya doorashadaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post