612 Views

Dad loo xidhxidhay afgembigii dhicisoobay Turkiga oo la sii daayey

Dad loo xidhxidhay afgembigii dhicisoobay Turkiga oo la sii daayey
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa laashay xukunno xabsi daa’in ahaa oo hore lagu xukumay kow iyo todobaatan askari oo ka mid ahaa askartii loo qabqabtay afgambigii dhicisoobay sannadkii 2016-kii.

Qaar ka mid ah ardaydii iyagana loo xidhay hawshaas ayaa xalay laga sii daayay xabsiga Silivri ee magaalada Istanbul.

Horaantii bishan ayay ahayd markii maxkamada racfaanka ay xukuntay in la sii daayo, maadaama dambiga lagu soo oogay, ardaydu aanay waxba kala socon afgambigaas, sida oo kalena aanay ka qayb qaadan.

Qoysaskii dadkaas la sii daayey aya abaraha bulshada ku faafiyey farxadda la midawga ehelkoodii waxa ay baraha laakiin xarumaha dawladda ayaa inta badan ka fogaaday in ay soo baahiyaan go’aanka maxkamadda.

Tobanaan kun oo qof ayaa la xidhxidhay ka dib isku daygii afgambigaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post