996 Views

Duuliyayaal diyaaradeed oo sabab la yaab leh shaqadooda ku waayay

Duuliyayaal diyaaradeed oo sabab la yaab leh shaqadooda ku waayay
____________________________________________________________________________

Qaranimo Online | August 11, 2020 – Shirkadda diyaaradaha Air Asia India,  ayaa 2 duuliye shaqada ka joojisay muddo 3 billood ah, markii lagu soo eedeeyey in ay jebiyeen shuruuc ay shirkadaasi u dejisay in ay ku dhaqmaan duuliyayaasha marka diyuuradu ay soo caga-dhiganeyso.

AirAsia India ayaa duuliyaasheeda kula talisay in  marka ay diyaarada isu diyaarineyso in ay soo dagto in ay isticmaalaan habka “Flap 3 mode” habkaas oo ah mid lagu beyqaaminayo gaaska ay diyaaradu isticmaaleyso xilliga  soo degitaanka.

Gaurav Taneja oo ka mid ah 2da duuliye ee la ruqseeyey, ahna Youtuber, ayaa cambaareeyey in shaqada loogu joojiyo inuusan isticmaalin habka Flap 3 Mode, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaasi mid laga eegay hal dhinac oo keliya, oo aan la qiimayn dhanka kale.

“Mararka qaar waxaad ka dagaysaa Garoomo aan ku habooneyn inaad isticmaasho habkan Flap 3 Mode sida Garoonka Imphal, xilliyada qaar waxaad kala dooranaysaa nolosha dhowrka boqol ee rakaabka ah iyo inaad shidaalka beyqaamisid, habkan ay soo jeedisay shirkadda in la isticmaalo marka dayuurada ay soo dagayso waxaa jira waqtiyo uusan ku habooneyn” Ayuu yiri Duuliye Gaurav.

Duuliye Gaurav Taneja, ayaa ku doodaya inuu shaqadiisa ku waayay isaga oo ka taxadaray badqabka rakaabka dayuurada, halka shirkadda AirAsia India ay  dhinaceeda sheegtay  inuu duuliyayaashaasi jeebiyeen xeerkii shirkadda u yiil, waxaanna socota baaritaanno ay sameynayaan hay’adda socdaalka dalkaas.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Yurub

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post