300 Views

Boqorka cusub oo la kulmaya madaxda ururka Barwaaqo-Sooranka

Boqorka cusub oo la kulmaya madaxda ururka Barwaaqo-Sooranka
____________________________________________________________________________

Axad:  10 Sebtembar 2022

Ilaa iyo hadda lama ogo in boqorka cusub iyo xaaskiisa inay degi doonaa qasriga Buckingham iyo in kale.

Boqor Charles III shaley ayaa xilka lagu wareejiyay, maanta waxaa la kulmi doonaa xoghayaha guud ee ururka Barwaaqo-Sooranka, Baroness Scotland.

Kadib waxaa lagu soo dhaweyn doonaa xafiis ku yaalla qasriga Buckingham oo uu kula kulmi doono xubno matalaya 14 dal oo boqorka u aqoonsan in uu madax u yahay-waxaana kamid ah Australia, Canada, New Zealand, Jamaica iyo dalal kale.

Boqor Charles wuxuu sheegay in uu sii joogteyn doono waxqabadka hooyadii marka laga hadlayo arrinta dalalka Barwaaqo-Sooranka.

Boqorad Elizabeth II waxay si weyn ugu howlaneyd xoojinta iyo dhisidda sumcadda ururkan.

Sanadkii 2018-kii, boqor Charles wuxuu sheegay inay ka go’antahay sii joogteynta waxqabadka hooyadii.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post