1008 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qoraal deg deg ah soo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qoraal deg deg ah soo saaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 24. 2020–Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Caashi Cabdillaahi ayaa sheegay in been abuur lagu sameeyey xeerarkii dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Gudiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen,Isla markaana mid aan aheyn in la hor geeyey Golaha Shacabka‬.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in Afartii xeer ee la xiriira doorashooyinka oo ay Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka u gudbiyeen Baarlamaanka uusan aheyn kii saxda ahaa lana bedelay.

Qoraalka oo la ogeeysiiyay Madaxda Sare ee dalka,Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa loogu baaqay Golaha Shacabka inay joojiyaan ka doodista Xeerarka ilaa iyo inta laga saxayo dibna loogu laabanayo qoraalkii saxda ahaa ee Xeerarka doorashooyinka.

Sidoo kale Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa la faray inaysan doorashada ku saleyn xeerarka Golaha Shacabka ay qaar ansixiyeen qaarna ka doodayaan,iyada oo aan sixid lagu sameyn.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post