987 Views

SAWIRO:-Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir ay yeesheen Wasiirada IGAD

SAWIRO:-Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir ay yeesheen Wasiirada IGAD
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 9, 2020 –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb-galay shir ay hab Muuqaal ah( Video Converenc) u yeesheen Wasiiradda Maaliyadda Wadamada IGAD.

 

Shirka ayaa waxaa looga hadley sidii looga hortegi lahaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababey Cudurka Coronavirus oo laga helay wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

 

 

 

“Waxa aan ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka urur goboleedka IGAD,Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn caqabadaha dhaqaalaha ee uu sababay #COVID19 ayuu yiri”Wasiir Beyle.

 

Shirkaan ay Maanta yeesheen Wasiiradda Maaliyadda dalalka IGAD ayaa waxaa uu daba socdaa Shikii Madaxda IGAD ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment