3510 Views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingriiska oo Muqdisho imaanayo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingriiska oo Muqdisho imaanayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 1, 2016: Philip Hammond, Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingriiska, ayaa berri la filayaa in booqasho hal maalin ah uu ku yimaado magaalada Muqdisho.

Mr Hammond ayaa la kulmi doona Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo kala hadli doona waqtiga kala guurka doorashooyinka la filayo inay Agosto ka dhacaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ayaa sidoo kale la kulmi doona Mas’uuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, isagoo ka wareysan doona xaalada Soomaaliya iyo waxqabadkooda.

Dowladda UK ayaa dhowaan Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la dagaalanka Al-Shabaab.

Afar sano ka hor ayay aheyd markii Xoghayihii hore ee Uk William Hague uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, sidoo kale sanadkii 2013 ayuu Muqdisho u yimid si uu u furo Safaaradda Britain ee Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa maalinta Jimcaha iyana lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo markii 3aad imaanaya Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment