879 Views

Shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo katirsan dastuurka.

 

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

 

Ugu horeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka.

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeytirka dastuurka.

 

“Hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka waxa uu kamid yahay qodobada maasiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa lamid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

 

Ugu damabyn, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xulashooyin ku saabsan hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaalka waxaana labada cisho ee uu kulanku socodo lagu falanqeeyn doonaa xulashooyinka ay soo bandhigeyso wasaaradda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment