678 Views

Qoysaska dadkii lagu dilay Shabeellaha Hoose: “Waxaan meydka u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay”

Qoysaska dadkii lagu dilay Shabeellaha Hoose: “Waxaan meydka u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay”
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: August 11, 2021

Dibadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa isu soo bax ka dhigay ehellada todobo qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab.

Ehellada dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen todobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan.

Ehelladu waxa kaloo ay sheegeen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan.

Maydadka todobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qoysaska dadkii shaley lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa BBC u sheegay in meydadka aanan la aasi doono tan iyo inta caddaaladda ka helayaan.

“Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan usoo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post