1056 Views

Maxaa kajira in 30 Ruux Coronavirus ugu dhinteen Isbitaal Martiini?

Maxaa kajira in 30 Ruux Coronavirus ugu dhinteen Isbitaal Martiini?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 16 2021–
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in ay korortay tirade dadka ugu dhimanaya Magaalada Muqdisho cudurka Coronavirus, isla markaana Ibsitaalka Madiina ay ugu dhinteen 30 ruux, hayeeshee waxaa warkaasi ka hadashay  Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Cudurka uu soo laba kacleeyay, isla markaana Isbitaalka Martiini la kenay dad badan oo uu haayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Waxaa ay sheegtay in shalay ilaa Maanta ay Isbitaalka Martiine tageen 16 ruux, mid kamid ah la geeyay qeybta daryeelka degdegga ah ee ICU-da, 9 Ruux la jiifiyay, halka lix Ruux ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii talooyin la siiyay.

Wasiir Fowsiya waxaa ay hadalkeda intaasi ku dartay in shalay ilaa Maanta ay Cudurka u geeriyoodeen ilaa 5 ruux, waxaana ay beenisay in xalay isbitaalka Martiini ku geeriyoodeen 30 ruux.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar waxaa ay sheegtay in Galab walba warbixinada la xiriira Cudurka COVID-19 ay Wasaaradda Bulshada u soo gudbin doonto, isla markaana dadka aysan aaminin warar ka lagu faafinayo Baraha Bulshada.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post