1065 Views

Gudoomiyaha degmada Beledweyne oo digiin Culus u diray Hay’adaha Samafalka ka howlgallo Gudaha Magaaladaasi

Gudoomiyaha degmada Beledweyne oo   digiin Culus u diray Hay’adaha Samafalka ka howlgallo Gudaha Magaaladaasi
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maamulka degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cismaan Dhicisow Dhuubow uu digiin Culus u diray Hay’adaha Samafalka ka howlgallo Gudaha Magaaladaasi Beledweyne.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay inay la socdaan n Hay’adaha Samafalka ay si dhuumaaleysi ah oo Geedaha hoostooda ah ay wax ku bixiyaan, waxana uu ku amray inay si deg deg u soo galaan gudaha Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale Waxaa uu hadalkiisa uu ku daray guddoomiye Cusmaan in Mas’uuliyiinta Hay’adah Samafalka markii ay soo gaaraan Beledweyne aysan wadatashi la sameyn Maamulka, balse dad gaar ah ay kala tashadaan wax siinta dadka dantayar.
Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post