1227 Views

Madaxweyne Waare Oo kulan La qaatay Xubno ka tirsan Isxilqaamayaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha

Madaxweyne Waare Oo kulan La qaatay Xubno ka tirsan Isxilqaamayaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Mohammed Cabdi Waare oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Cali Guudlaawe Xusseen ayaa xalay  Casho Sharaf ah ugu sameeyay Magaalada Baladweyne  wafuud  ka kala socday Puntland, Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu horkacayay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

 

Xubnahan oo magalaada Baladweyne u gaaray sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadkii ay saameynta ku yeesheen Fatahaaddii Wabiga Shabbeelle ayaa lagu wadaa iney gaaraan goobaha ay ku sugan yihiin dadka Fatahaadda ka barakacay una qeybiyaan deeqihii ay ugu talagaleen.

 

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo xubnaha Guddiga uu hormuudka u yahay Sheikh Umul ayaa maanta la filayaa iney kormeer ku sameeyaan goobaha dadka ay ku barakaceen sida deegaanka Ceeljaale si ay tirakoob ugu sameeyeen una gaarsiiyaan deeqaha kala duwan.

 

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka deeqaha soo gaarsiiyey sida ay ugu soo gurmadeen,isaga oo sheegay in deeqaha sidii loogu talo galay loo gaarsiin doono.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeen ka hor Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment