990 Views

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu fashilmo shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaas u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo socday saddex maalmood ayaa lagu kala tegay kadib markii xal laga gaari waayey cidda maamuleysa doorashada ka dhaceysa gobolka Gedo.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay in waqtigii golayaasha dowladda oo dhammaaday qaar in aan haddana weli wax is afgarad ah laga gaarin doorashooyinkii dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post