573 Views

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgallo sameeyay

____________________________________________________________________________


Axad: December 5, 2021

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad oo ay wehlinayaan kuwa Nabadsugida ayaa waxaa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen degmada Buulo-burde & deegaannada hoostaga ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ciiidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen dhamaan Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Buulo-burde iyo tuulooyinka u dhow dhow, waxaana saraakiisha Ciidamada ay ujeedka ku sheegeen in maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay kusoo badanayeen degaannada u dhow degmada Buulo-Burde.

Kusimaha taliyaha qeybta 27aad Xasan Maxamed Garaad & taliyaha Ururka 41aad guutada 5aad ee qeybta 27aad Maxamed Muumin Cilmi ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga degmada Buulo-burde iyo degaannada hoostaga.

Waxaa ay ka dalbadeen Shacabka kunool degmada Buulo-burde inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga si looga hortago falalka Amni darro oo ay geystaan Al-Shabaab.

Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolkaas oo ay mararka qaar weeraraan Al-Shabaab, waxaana ku sugan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post