384 Views

Aabe lagu magacaabo Bakhtiyaar Guul oo la sheegay inuu nafta dhaafsiiyey oo dilay Gabadhiisa oo 18 jir ahayd

Aabe lagu magacaabo Bakhtiyaar Guul oo  la sheegay inuu nafta dhaafsiiyey oo dilay Gabadhiisa oo 18 jir ahayd
____________________________________________________________________________

Talaado: January 24, 2023

Aabe lagu magacaabo Bakhtiyaar Guul ayaa la sheegay inuu nafta dhaafsiiyey oo dilay Gabadhiisa oo 18 jir ahayd maalintii daraas oo Axad ahayd.

Dilkaasi waxa uu ka dhacay tuullada Vano Ghari ee degmadda Sardaryab oo 20 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Peshawar ee gobalka Khyber Pakhtunkhwa ee dalkaasi.

Aabaha waxaa la sheegay inuu bistoolad u adeegsaday dilkeeda, kadib, markii baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal ay gabadhiisa ku ciyaarayso qoob-ka-ciyaar daansi (a dancing Video)

Hooyada dhashay gabadha la dilay ayaa u sheegtay bioliska degmadda Sardaryab inuu saygeeda ku hor toogtay gabadheeda oo ay dhinac fadhiday.

Waxay sheegtay inuu saygeeda qaaday tallaabo xag-jir ah, kadib, markii uu qof kale isaga ku soo caayey muuqaalka gabadhiisa ee dhex wareegayo baraha bulshada.

Dhanka kale, hooyada waxay xustay in gabadheeda la dilay ay kaaliye hawlaha guriga u ahayd Qoys hodan ah oo degan Caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Waxay intaasi ku dartay inuu gabadheeda la shaqayn jirey wiil ka soo jeeda magaalladda Swat, kaasi oo Gabadha u soo bandhigay guur, balse ay ku gacan saartay codsigiisa Guurka ahaa , oo ay u sheegtay in iyada mar hore la guursaday oo ay Marwo tahay.

Hooyada waxay ku dooday in Ninkaasi bilaabay inuu gabadheeda aflagaadeeyo gabadha, markii uu ku fashilmay hankiisa guurka, wuxuuna muuqaalkii qoob-ka-ciyaarka ee gabadheeda ku baahiyey baraha Bulshada, isagoo adeegsaday cinwaan been abuur ah (a fake ID), si uu iyada ugu xumeeyo.

Hooyada waxay kaloo sheegtay isla maalintii uu shilku dhacay inay go’aansadeen inay dacwad diiwaan-gelin lacag la’aan ah ee asaasiga ah u gudbiyaan booliska magaalladda Islamabad oo ka dhan ah Ninka muuqaalka gabadheeda ku faafiyey naraha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, booliska dalka Pakistan ayaan weli si rasmi ah uga hadlin Kiiskaasi iyo in la soo xiray aabaha isagoo caraysan dilay Gabadhiisa iyo Eedeysanaha iyada ka faafiyey Muuqaalkeeda qoob-ka-ciyaar ee dhex meereysanayo aaladaha warbaahinta ee haraha bulshada.

Qalinka: Ustaad Nuradin

Xigasho: Pakistan local Media.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post