210 Views

Darwalkii Labaad Masuul Ka Tirsan Dowlada Gaari Uwaday oo Markale u goostay Alshabaab

Darwalkii Labaad Masuul Ka Tirsan Dowlada Gaari Uwaday oo Markale u goostay Alshabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Jubbaland uu u goostay Al-Shabaab, isla-markaana uu iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Darawaalka auaa u shaqeynay wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maamamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd.

Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop , waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu deeqday hay’ad caalami ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda sida uu ninkan ugu suura-gashay gaariga uu la baxsaday, iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi lala goostay ee loo geeyay Al-Shabaab.

Waa dhacdadii labaad, ayada oo dhowaan darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu isku dhiibtay kooxda Al-Shabaab.

Darawalkaas oo muddo 4 sano ah la shaqeeyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post